Haweenay South Afrikaan ah oo 10 caruur ah halmar dhashay.

Gosiame Sithole oo ah haweeney 37 jir ah ayaa 10 carruur ah ku dhashay xalay magaalada Tembisa ee dalka South Africa. Waa 7 wiil iyo saddex gabdhood.

Bishii hore waxaa 9 carruur ah ku ummushay dalka Morocco Malian Halima Cisse taas oo ka dhigtay haweeneyda adduunka ee haysata koobka dhalmada laakiin markaan waxaa dhaaftay Gosiame oo hal mar dhashay 10 carruur ah. Saxaafadda ayaa aad u tabineysa dhacdadan oo aan inta badan la arkin.

Ninka ay u dhaxdo Gosiame oo lagu magacaabo Teboha Tsotetsi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in farxad darteed uusan hadli karin laakiin uu shir jaraa’id ku faahfaahin doono xaaladaha ay soo martay xaaskiisu.