Ciidamada Xoogga oo howlgalo ka wada Hirshabelle.

Ciidanka xooggga dalka Qeybta 27-aad ayaa howlgal ballaaran oo looga saarayo Al-shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan

Deegaanada howgalka xooggan uu hadda ka socdo ayaa waxaa ka mid ah Aboorey, Beero-yabal, Wariirey, Galboocale ilaa Yasooman, kuwaa oo dhammaantiood hoostaga degmada Buulo barde ee Gobalkaas.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah howlgalka sida guud uu ciidanka xoogga uga wadaan Hirshabeelle kaas oo maleeshiyada Al-shabaab looga sifeynayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xooga dalka General Tareedisho oo Hor kacaya howshaa sifeynta ah ayaa Warbaahinta U sheegay in horumar weyn laga sameeyay howlgalkaan.