Gelle oo markii Shanaad loo caleema saarayo madaxweynaha Jabuuti.

Madaxeynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo Sabti ah 15-ka May 2021 lagu caleemo-saarayaa Caasimadda Dalkaas sida uu shaaciyay Guddiga Madaxtooyada u xilsaartay qaban-qaabada munaasabadda.

Dhanka Soomaaliya Waxaa ka qaybgalaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya iyo wafdi Wasiiro ah oo Jimcihii Muqdisho ka raacay maadaama uu ka baaqday Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Doorashadii ka dhacday Jabuuti 10-kii April 2021 waxaa markii shanaad oo xiriir ah ku guuleystay Ismaaciil Cumar Geelle oo helay codad dhan in ka badan 98% waxa ay taasi u xoojisay in uu xafiiska sii joogo.

Guddiga Doorashada Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegay in tirada codeysay in ay dhan tahay 167,535-ruux, markii la tiriyay uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle helay boqolley ahaan 98.58%halka Musharax Sakariye Ismaaciil Faarax uu helay 1.42%.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Madaxweynaha Jabuuti noqday 1999-kii, waxa uu dalkiisa u horseeday waxqabad muuqda, isbadal Ganacsi, is dhexgalka Dalalka kala duwan ee Caalamka & martigelinta shirar kala duwan oo intooda badan uu u qabtay Soomaalida.