Askari kamid ahaa ciidamadii Badbaado Qaran oo Muqdisho lagu dilay.

Maxamed Muqtaar Maxamed Deeqoow, oo ka tirsansanaa Ciidanka NISA ee dhawaan ku biiray ciidankii diiday mudo dheeraysiga ee Badbaado Qaran ayaa maydkiisa laga helay god qashin oo ku yaalla agagaarka xerada Generaal Kaahiye (School Polisiyo) ee magaaladda Muqdisho.

Deeqoow, oo sida ay eheladiisa sheegeen ka tirsanaa Unuga Duufaan ee ciidanka NISA, ayaa dhawaan looga yeeray Taliska hay’ada ka dib markii xal laga gaaray xiisadii ka taagneed magaaladda Muqdisho ee u dhexeysay ciidanka amaanka oo ku kala jabay mudo dheeraysigii Baarlamaanka Soomaaliya ay sheegeen in ay u sameeyeen madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

May be an image of 1 person, sitting, footwear, suit and indoor

Muuqaalo iyo sawirro naxdin leh oo laga soo qaaday maydka Marxuumka ayaa muujinaya isaga oo wata dirayska ciidanka, isla markaana lagu riday god qashina korka laga saaray.

Mid ka mid ah ehelada Marxuumka oo hadlay Mustaqbal ayaa u sheegay in ay waayeen xogta wiilkooda ka dibna loo sheegay in Maydkiisa laga helay god ku yaalla agagaarka xerada ciidanka ee Generaal Kaahiye.

Shaqsiga aan la hadalnay oo sababo amaan magaciisa aan u qarinay, ayaa ku eedeeyay Saraakiisha Dowlada in ay” Ugaarsanayaan ciidankii iyo saraakiishii ka soo horjeesatay mudo dheeraysiga” 

Cabdiraxmaan Muqtaar Maxamed, oo ah walaalka Deeqoow, ayaa qoraal uu ku daabay bartiisa Facebook ku qaxiiyay geerida walaalkiisa“Geeridu kala xanuun badan walaalkay aa aduunka ugu jecla mohamed muktar mohamed Mahamed Muqtar ilaahay hakuu naxariisto 😭😭
Gacan kaa xaqdaran aa ku dishay qabriga ilaahay hakuu waasiciyo kitaabkaaga gacanta midig ilaahay hakaa siiyo” ayuu ku ku yiri qoraalkiisa tacsida ah.

5 May,2021, ayaa Midowga Musharixiinta iyo Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Xilgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble waxa ay kala saxiixdeen heshii lagu kala qaaday ciidankii isku horfadhiyay guddaha magaaladda Muqdisho, waxaana qodobka 2 aad ee heshiis uu dhigayay “In xuquuqda ciidamadaas sida: Mushaarka, Darajooyinka iyo Xilalka wax saamayn ah ku yeelanin qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho loona raacan karin wax ku saabsan dhacdadaas”.

Saraakiisha Dowladda iyo Mucaaradka midkoodna kama uusan hadlin dilka loo gaystay Maxamed Muqtaar Deeqoow oo ka tirsanaa ciidankii dhawaan diiday in madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay samaystaan mudo dheeraysi.