Xubnaha Beesha Caalamka Oo Kulan Laqaatay Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe.

Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa caawa qaabilay Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha taagan gaar ahaan Doorashada, Iyadoo Puntland iyo Jubaland ay la wadaageen Beesha Caalamka aragtidooda ku aadan sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo Shirweynaha Doorashada.
beesha caalamka ayaa xooga saareysa sidii loo qaban lahaa doorashada iyadoo ay ku dadaaleyso isku keenida  xubnaha khilaafka ka dhaxeeyo.