Xildhibaan Mahad Salaad Oo Sheegay In Kulanka Bari Uu Xaadirayo

Xildhibaanka ayaa sheegay in kulanka bari uu aadi doono dhamaana ay ka qeyb galayaan xildhibaanadii la sheegay in kulamada aysan imaan karin.

mahad salaad ayaa ahaa xildhibaankii ugu horeeyay ee liiska marka loo fiiriyo warqada lasoo saaray.

qoraal uu soo saaray bartiisa facebook ayuu sidaan kuyiri.

Xildhibaan Mahad Salaad ‘’Fariinta Xildhibaanada loo soo diray ee lagu wargelinayo in uu jiro kulankii Golaha Shacabka beri oo Arbaco ah hada ayay na soo gaartay. Waanan tagaynaa kulankaas beri inshaa’allah. Wixii dhibaato ah oo nagu soo gaara sababta waraaqdii sharci darada ahayd ee Maxamed Mursal naga qoray 27 bishaan mas’uuliyadeeda isaga ayaa si shaqsi ah u qaadaya!’’.

kulanka bari lama oga sida uu noqon doono iyadoo isha lagu wada haayo.