Muxuu ra’iisul wasaare Rooble caawa u sheegayaa musharixiinta mucaaradka?

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in caawa uu Magaalada Muqdisho kula kulmo Xubnaha Midowga Musharaxiinta.

Kulankan ayaa la filayaa in uu ka dhaco Hotel Decale, sida uu xaqiiiyay Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Shirkii uu Ra’iisal Wasaare Mohamed Xuseen Rooble la ballansanaa Midowga Musharaxiinta waxaa Insha’Allah Decale uu ka dhacayaa fiidkan. Wixii soo Kordha waa idiinla wadaagi doonnaa.” Ayuu yiri Macalimuu oo warkan ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Kulankan ayaa qayb ka ah kulamadii hore labada dhinac u dhex maray. Kulankoodii ugu horeeyay ayay yeesheen 25-kii bishii hore ee February.

Beesha Caalamka ayaa boggaadisay dadaalada uu Rooble xalka ugu raadinayo caqabadaha horgudban hannaanka geedi-socodka ee doorashooyinka dalka.