Hal talaabo oo kaliya ayaa u banaan ra’iisul wasaare Rooble, si uu Farmaajo uga guuleysto.

Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu wadahadal la furay musharixiinta mucaaradka isaga oo oggolaansho ka heysta madaxweynaha Muddo xileedkiisa sharciga ah uu dhammaaday.

Farmaajo oo aaminsanaa in shirku natiijo la’aan ku dhammaanayo ayaa lahaa laba u jeeddo oo kala ah:

• In beesha caalamka lagu qanciyo in musharrixiinta mucaaradka aysan xal-doorsho dooneynin oo ay fowdo kaliya ka shaqeynayaan.

• In mudaharaadyada lagu shiiqiyo oo aysan xaaladda gaarin dagaal.

Heshiiskii lama filaanka ahaa ee xukuumadda iyo mucaaradka waxa uu madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ku abuuray xaalad cusub oo uusan ku talagalin, waxaase ka sii darneyd markii dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland ay soo dhoweeyeen, taas oo ka dhigan in dhammaan saamileyda siyaasadda (Jubaland, Puntland, iyo Galmudug, Hirshabeelle, Gobolka Banaadir iyo xukuumadda oo shirka qeyb ka ahaa, (midowga musharrixiinta iyo beesha caalamka) ay isku qaanad galeen, sidaasi darteedna uu Farmaajo u muuqdo in uu go’doonsan yahay.

Ujeedka madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee shirka uu isugu yeeray ka hor maalinta mudaharaadka la muddeeyay waa in uu isku dhex yaac ka dhex abuuro teendhada Rooble oo markaan kulmisay dhammaan saamileyda, balse hoggaaminta Rooble waxa ay muuqan doontaa sida uu ilaashado guulihii uu gaaray.