Gudigii baarayay dilka gudoomiyihii Hodan “Dilka Dhagajuun wuxuu ahaa shil dhacay”

Guddigii baarayay Dilkii Gudoomiyihii Degmadda Hodan, C/xakiin Dhagajuun ayaa Warbixin ay soo saareen ku sheegay in Dilka uu ahaa Shil ee uusan ku talagal ahayn.

Waxayna Warbixintooda ay ku eedeeyeen 7 qof oo uu ku jiro Taliyihii Saldhiga Howlwadaag. Waxayna Eedda ka saareen Taliyihii Saldhiga Waabari iyo 2 ka mida illaaladiisa oo ay Maanta sii daysay Maxkamadda Ciidamadu.

Waxyaabaha la yaabka leh ee Warbixinta Guddiga ku jira waxaa ka mid ah inuu u eedaysan yahay Askariga kaliya ee ka badbaaday Illaaladii C/xakiin oo wali xiran.

40 cisho ayeey Guddigan baarayeen Kiiska, Waxayna ka koobnayeen Xeerillaalinta Ciidanka, Booliska iyo NISA.