BAROORDIIQ: General Maxamed Nuur Galaal

Waxaan, aniga – oo aad iyo aad uga tiiraanyeysan – ka tacsiyeynayaa geerida General Maxamed Nuur Galaal, oo galabta ay gacan ka gardarrani ku dishay Hotel Afrik, ee magaalada Muqdisho. Allaha u naxariistee, wuxuu ahaa sarkaalkii ugu aqoonta badnaa taariikhda militariga Soomaaliyeed; wuxuu haystay toddoba sannadood oo military academy uu kaga soo baxay Talyaaniga iyo Ruushka. Aqoontiisii, khibraddiisii iyo meeshii uu nolosha ka soo billaabay, waxaan caawa uga warramay BBC Somali, laakiin waxaa ifinayaa howlihiisii dambe.

General Galaal, sannadihii u dambeeyey wuxuu ku dhex jiray cilmi-baaris iyo daraasad ku saabsan taariikhdii hore ee Soomaalida. Sannadkii 2014, kaddib markii aan wareysi taariikheed kaga qaaday telephone-ka, wuxuu dokumentiyo iiga dirsaday British Library, waxaanan u geliyey usp, anigoo ugu sii dhiibay Axmed Salaad Kulmiye, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Galguduud, oo aan filayo inuu maanta ku nool yahay Guriceel. Sanadkii 2019, sidaas oo kale, wuxuu ii soo dirsaday inaan u raadiyo maps iyo census ay sameeyeen gumeysigii Ingiriisku ka sameeyeen Jubaland, waxaana farriintiisa ii soo gudbiyey Maxamed Maxamuud Cadde. Sannadihii 2015, 2016, 2017 iyo 2018 ayaan wareysiyo kala duduwan, oo taariikhdiisii iyo tan ciidanka ku saabsanaa, kaga soo qaaday Xamar.

Si kasta ha noqotee, cilmi-baaristii iyo daraasaddii General Galaal waa inaysan noqon tacab-qasaar, ee waa in laga daba-tagaa, oo halkeedii laga sii amba-qaadaa. Waxaan ka codsanayaa Maxamed Maxamuud Cadde inuu daba-gal ku sameeyo, si aysan u lumin, wixii qoraallo ah, ee uu diyaariyey General Galaal. Waxaan ka xumahay in Jananku uu geeriyooday, iyada oo aan aqoontisii ballaarneyd looga faa’iideysanin – hor iyo horraanba – inuu ku soo saaro ciidammo professional army ah, oo ka madax bannaan howlaha siyaasadda.

Waxaan ku soo afjarayaa, oo ugu baroor-diiqayaa gabaygii Cali Jaamac Haabiil:

Faaraxow, galgaladkaan dhigiyo gama’ la’aantayda,

Gogoshaan ku jiifsaday, hurdada goodkii igu yaacay,

Gasiinkii la ii dhigay, waxaan gawska uga daayey,

Dar guryii ka yimi baa, war baas iila soo galaye,

Geeridii Galaaley sheegayeen, gacal ha waayeene,

Goblamooyin waxay ii wadeen, guuldarriyo hooge,

Gabbal baa u dumey reerihii, geliga Booc yiille,

Abidkii rag waa go’i jiree, tanise waa gaw’e,

Lix hal oo u wada gaar ahaa, gocanayaa mooyi,

Mid weeye haddii lays galoo, geel la kala qaado,

Gurmad noqonayaa, iyo annagu guuto bixinnaaba,

Giiryaalihii fule, markuu gelelef rooraayo,

Rogaalkuu giraangirin ogaa, gocanayaa mooyi,

Geb hadday martidu soo tiraa, goor uu nala joogo,

Godka lagu janneeyow, hadduu goosan la carraabo,

Garab saar rag weeye, hadduu gogosha soo qaado,

Gasiinkii la soo dhigay, haddaad gal iyo daad mooddo,

Bakhayl baa gammiima’e, intuu gaarka ka qoslaayo,

Godolkuu ku haasaawin jiray, gocanayaa mooyi,

Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti kala maagtay,

Haddii geedka laysugu yimaad, golaha waayeelka,

Waxay gola fardooddaba, haddii la isku soo gaaro,

Nin waliba hadduu gees damcoo, giijo madaxiisa,

Wax la wada gorfeeyaba, haddii la isu geyn waayo,

Gaagaabsayaa, iyo isagu gees u hadal-yaaba,

Guddoonkii la wada raaci jirey, gocanayaa mooyi,

Gugoo da’ay, aroosyada haddii gowda laga saaro,

Shir girmira haddii loo kiciyo, gob iyo reer aada,

Gammaan naaxay heensaha, haddii guudka laga saaro,

Waa gelin is daawada, halkii garangar loo joogey,

Gole igu bannaanaa, wallee garab la’aaneede,

Gunnaduu ka soo toocin jirey, gocanayaa mooyi,

Gardarrada sokeeyaha, rag baa gees biciid u lehe,

Gudcurkiyo caddadu waa walaal, kalase guul-roone,

Gaadiid Ia dhaanshuu ahaa, gibil ma diidaane,

Guraduu na wada saari jirey, gocanayaa mooyi,

Alla wuxuu golxaalow ahaa, gedefka reeraaye,

Magaciisu waa gudubsanaa, gaaliyo Islaame,

Galbeed iyo Baraa laga yiqiin, gololkii dheeraaye,

Gaashaan biruu noo ahaa, gocanayaa mooyi,

Adduunyadatan laga guurayo, ee gebegebaa taagan,

Ee laga galbaday meesha, iyo geeridii Maxamed (NNKH),

Anuun baa gubtanyoonaya, oo geesigii tebaye,

Gartaa u noqday Eebbow ma jiro, garangar waartaaye,

Allahayow wax badan baan gefaye, adigu hay goynin,

Oo geesta Nebigii i mari, maanta lays gurayo, aamiin.

Ingiriis