Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa goordhow u ambabaxay Baydhabo, todobaadyo uu ku sugnaa Muqdisho kaddib.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maamulka Koofur Galbeed uu noqonayo maamulkii u horreeyay ee bilaaba doorashada Aqalka Sare, sababta safarka Madaxweyne Lafta Gareen qeyb ka tahay bilaabida doorashada.
Madaxweyne Lafta Gareen ayaa qaatay door dhex dhexaadin ah, si loo xalliyo tabashooyinka jira, waxaana uu xiriiro la sameeyay Madaxda Puntland iyo Jubbaland, iyadoo dad uu la hadlay Madaxweyne Lafta Gareen uu u sheegay in meel wanaagsan u marayo dadaalada u wado.