Imaaraatka Carabta oo fasaxay cabista Khamriga iyo in lamaanaha aan is qabin wada noolaan karaan.

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in ay dabcinayso qaanuunka islaamiga ah ee xadidaya xoriyadaha shaqsiyaadka.

Arrimaha la yaabka leh ayaa ah in loo ogolaanayo lamaanayaasha aan is qabin inay wada noolaadaan.

Sidoo kale waxaa la khafiifiyay xayiraadihii saarnaa isticmaalka khamriga, sida ay maanta qoreyso warbaahinta gudahadalka Imaaraadka Carabta.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa u muuqda inuu si buuxda u qaadanayo nidaamka xorriyadda ku dhisan ee ka jira dalalka reer galbeedka.