Somaliland oo bilad sharaf gudoonsiisay duuliye ka soo jeeda Jowhar oo iska diiday inuu…..

Waxaa xalay magaalada Hargeysa billad sharaf lagu guddoonsiiyay Duuliye Axmed Dheere oo ahaa duuliyihii diiday in uu Hargeysa duqeeyo xiligii dawladdii Kacaanka ee uu hoggaamin jiray Jeneraal Maxamed Siyaad Bare.

Axmed Dheere oo ah duuliye kasoo jeeda magaalada Jowhar ayaa diyaaraddii loogu talagalay in uu Hargeysa ku duqeeyo waxaa uu ka dejiyay dalka Jabuuti, isagoo sheegay ineysan u muuqan sabab cad uu u duqeeyl dad shacab ah.

“Xumaantii iyo xasuuqii loo gaystay siday u xasuustaan ayaa ciddii wanaag u gaystayna aanay u illoobin oo ay ugu abaal celshaan” ayuu yiri Adam Shardi oo kamid ah dadkii munaasabasan soo agaasimay.