Shariif Sheekh Axmed oo ka soo laabtay Imaaraatka Carabta iyo halka uu ku sugan yahay xiligan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shariifka oo labadii bil ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka isu tagga Imaaraadka Carabta oo ay qoyskiisa degan yihiin ayaa saaxada siyaasadda laga waayay, tan iyo markii Muqdisho ka bilowdeen shirarkii siyaasadeed ee lagu gaarayay go’aamada doorashada ee u dhaxeeyay DFS iyo DG, waxaana dad badan is weydiinayeen sababta Shariifka xilligaas oo ahaa waqtigii xasaasiga ahaa uga maqnaa saaxada siyaasadda.

Hase ahaatee dadka ku dhow dhow waxay ku tilmaameen maqnaashihiisa xeelad siyaasadeed oo uu doonayo inuu si dardar ah ku soo galo Ololaha doorashada, waxaana la filayaa inuu dhowaan safarro ku tago Gobolada dalka, si uu culeys ugu yeelo ololihiisa doorashada Madaxweynaha 2021.