Sawirro: Khayre oo ololaha doorashadiisa kala hadlay Xildhibaanada Soomaalida ee ku jira baarlamanka Kenya.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax madaxweyne Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Xildhibaanada iyo Senatorada Soomaalida ee iu jira baarlamaanka dalka Kenya.

Kulanka oo ahaa mid qureec ah ayaa looga hadlay arrimo kala duwan, iyadoo Khayre uu xildhibaanada ku amaanay sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa sharaf ii ah inaan maanta kulan wadatashi ah la yeeshay xildhibaannada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya. Waxaan uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed had iyo jeer u garab taagan yihiin” ayuu yiri Musharaxa.

Khayre oo u hanqal taagaya inuu dalkan hoggaamiyo ayaa sidoo kale dalka Jabuuti kula soo kulmay shacab Soomaaliyeed iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

“Horay waxaan wadatashiyo dhaxal gal ah ula yeeshay Shacabka Soomaaliyeed ee aan caasimadda dalka kula kulmay iyo madaxwaynaha Dowladda walaalaha nahay ee Djibouti oo qeyb wayn ka qaatay welina u taagan dib-u-dhiska dowladnimadeenna” ayuu hadalkiisa ku soo xiray.