Sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliland oo lagu dilay magaalada Hargeysa.

Sarkaal ka tirsan ciidanka millatariga Somaliland ayaa xalay fiidkii lagu dilay agagaarka xerada Warshadda Kabista oo ku taala magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Dilka sarkaalkan ayaa la soo sheegay in loo adeegsaday rasaas, iyadoo oobta ay isaga carareen gacan ku dhiiglayaashii falkaasi ka danbeeyay.

Sida wararku sheegayaan, ciidamada Booliska ayaa Maydka askarigan ka qaaday goobta uu dilku ka dhacay, iyagoo baaritaano ku sameeyay, walow aan wax natiija ah ka soo bixin.