Qoor qoor oo magacaabay Guddoomiyeyaasha Racfaanka iyo Maxkamadaha gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa lagu magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Maxkamadaha gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo ku xigeenada Xeer Ilaaliyaha Guud ee DGM.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah;
1-Saciid C/raxmaan Shiikh : Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobalka Galgaduud
2- Maxamed Cabdi Kadiye : Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud.
3-Jimcaale Cali Salaad : Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Mudug.
4- Cabdirisaaq Cali Yusuf : Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Mudug.
5-Cabdullaahi Cali Cumar : Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee DGM.
6- Cabdixakiin Maxamed Xirsi : Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee DGM.

Madaxweynaha ayaa magacaabay xubnahan kaddib markii uu garowsaday Baahida degdega ah ee loo qabo dhisidda hay’adda garsoorka Galmudug, isla markaana tixgeliyay aqoonta iyo waayo aragnimada xubnuhu u leeyihiin arrimaha garsoorka.