Maamul goboleedyada oo u diyaara doorashada soo socota iyo hirshabelle oo aan waxba laga heyn.

Maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa soo gudbiyay xubnihii u matali lahaa Guddiga doorashada heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Maamulka Hirshabelle ayaa ah mid kaliya ee ka maqan sababo la xiriira in maamulkaas howl doorasho ku guda jiro, isla markaana aanu laheyn sharciyadii uu wax ku soo gudbin lahaa inta laga soo dooranayo Madaxdii maamulkaas .

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha uu wareegto ku soo magacaabo Guddiyada labada heer doorasho iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka.