Ilaalada Madaxweyne Qoor Qoor oo jir dil u geystay Wasiir hore Cabdi Samad Macalin Maxamuud.

Ilaalada madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa ilinka hore ee Hotelka sahal Guriceel ku jirdilay Wasiir hore C/samad macalin Maxamuud.

Ninka jirdilka loo geystay ayaa ka mid ah masuuliyiinta lagu casuumey ka qayb galka munaasabad lagu daah furayo Jaamacad uu hirgaliyay Sheikh Ashcari oo ka mid ah Hoggaanka Ahlusunna.

Ciidamada ilaalada madaxwayne QoorQoor ayaa qaarkood qoryo ku qabtay oo dhowr jeer gacan qaadey Wasiir Cabdisamad ilaa markii dambe ay kusoo bexeen masuuliyiin kale oo goobta ku sugnaa kuwaa oo ka fujiyay Wasiirka.

Cabdi Samad qaxaa dhalay Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo kamid ahaa aasaasayaasha Ahlu-Suna, kaasoo dhawaan dagaal looga saaray caasimadda Galmudug.