Ciidamadii gadoodka uga baxay Dhuusa-Mareeb oo xoog ku jiiray ciidamada NISA iyo Haramcad.

Wararka naga soo gaaraya hobolla Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamadii ka gadooday Dhuusamareeb ee lagu hor istaagay inta u dhaxeysa Cadaado iyo Gelinsoor ay ka gudbeen jid gooyadii loo dhigay

Sida wararku sheegayaan, Ciidamadan oo ku wajahan Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa jiiray ciidamadii hor istaagay ee Galmudug.

Arintan ayaa timid kadib Gurmadyo kala duwan oo u yimid ciidanka gadoodsan taasoo u sahashay inay jiiran ciidamadii hor istaagay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada NISA iyo kuwa Haramcad ay arkeen awood ka tan badan oo goobta timid, waxeyna arintaa sababtay iney wadada u baneeyaan ciidamadii gadoodka uga soo baxay xerooyinkoodii Dhuusa-Mareeb.