Ciidamada amaanka oo la dagaalamayo ruux hubeysan oo dhex galay bakhaar shacab.

Ciidamada amaanka iyo ruux hubeysan ayaa ku dagaalamaya degmada Yaaqshid ee gobollka Banaadir.

Qofkan oo ay eryanayeen ciidamada amaanka ayaa gudaha u galay Bakhaar ku yaala aagga Hoteelka Golden, halkaasoo rasaasta ay ka dhaceyso.

Goob joogayaal waxey inoo sheegeen in rasaasta ay isweydaarsanayaan labada dhinac ay ku dhaawacmeen laba qof oo shacab ah, walow khasaaraha intaasi ka badan karo.

Laamaha amaanka ayaa rumeysan in ruuxan uu ka tirsan yahah kooxaha falalka amni darro ka geysta caasimadda, iyagoo ciidamadooda dhigay labada Albaab ee bakhaarka.

Dad shacab ah ayaa gudaha kula jira bakhaarka uu ka dhex dagaalamayo ruuxa hubeysan, lamana oga waxa ay xaaladda ku danbehn doonto.