Cali Nuur Salaad oo Villa Somaliya ku wareejiyay Dukuminytiyo sir ah uu ka hayay Khayre.

Cali Nuur Salaad oo inta uu ra’iisul wasaaraha ahaa Xasan Cali Khayre maamulaya qeybta warfaafinta ee xafiiskiisa, haatanna kamid ahaa dadka ugu sareeya ee dhanka ololaha musharax madaxweyne, ayaa ku dhawaaqay inuu isaga haray u ololeyntii Khayre.

Mr. Sallaad ayaa talaabadan qaaday kadib heshiis qarsoodi ahaa oo uu la galay Kusimaha Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed oo balanqaadyo u sameeyay ninkan.

Warar ay heshay warbaahinta Xaldoon Media ayaa sheegeysa in Cali Nuur Salaad loo sheegay in dib loogu celinayo shaqadii xafiiska ra’iisul wasaaraha sidoo kalena uu kaalin firfircoon ka qaadan doono ololaha madaxweyne Farmaajo la doonayo in dib kursiga loogu soo eliyo.

Sidoo kale waxa uu farta ka saaray Villa Soomaaliya Dukumintiyada heshiisyo uu Khayre la galay qaar kamida idaacadaha iyo TV-yada ku yaala Muqdisho kuwaasoo la siiyay qandaraaska u ololeynta Xasan Cali Khayre.

Madaxtooyada oo ka duulaan tageysa Dukumintiyada ma siiyah ayaa durba la xiriirtay TV-yada iyo Idaacaddaha heshiiska la galay Khayre, iyagoo qaarkood ugu hanjabay iney Ruqsada shaqada kalaaabaneyso, halka kuwa awooda badanna lacago u balan qaaday.

Villa Soomaaliya ayaa xoog iyo dhaqaale fara badan ku bixineysa sidii ay dagaal jiho kasta leh ay ugu qaadi leheyd Xasan Cali Khayre oo si dar dar leh ku wado ololihiisa doorasho, isagoo dhawaan cagta soo mariyay dalalka Jabuuti iyo Kenya, wuxuuna madaxda wadamadaas kala hadlayay ololihiisa.