Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo saaka dil ka geystay magaalada Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ex-Control Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka halkaasi lagu arkay meydka wiil dhalinyaro ah.

Sida wararku sheegayaan, ninkan waxaa dilkiisa geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo xiligaasi ku qornaa ilaalada bartaasi Kontrol.

Si dhab ah looma oga sababta dilka ka danbeysa, iyadoo goobta uu wax ku dilay isaga baxsaday gacan ku dhiiglaha, waxaana wali goobta yaala meydka ninka la dilay oo wax aqoonsada la la’yahay.

Meesha dilka uu ka dhacay waa dhanka Ex-Control ka aada Xoosh, halkaasoo ab meel mashquul badan, maadaama ay ku yiilaan boosteejooyinka laga raro gawaarids aada Kaxda, Weydoow ilaa deegaanka Ceelasha Biyaha.