Askar iyo Saraakiil badan oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Sh.Hoose.

Dagaal xooggan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay wadada xiriirisa degmooyinka Afgooye iyo Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose,.

Weerarka ayaa yimid, kaddib markii Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Gaadiid ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda, xilli ay marayeen degaanka Buulalow ee degmada Afgooye, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaaro kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in weerarkaas ay ku dhinteen askar farabadan iyo Saraakiil, waxaana Ciidamada ku dhintay kamid ahaa Cabdulle Cali Mire Iyo Cabdi maxamed Guutaale oo kamid ahaa Ciidamada la weeraray.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada la weeraray dagaalka, kadib socdaalkoodii iska sii wateen, isla markaana ay tageen Saldhig ay ku leeyihiin Degaanka Warmaxan ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha  Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee Gobolka Shaneellaha Hoose weli kama hadlin weerarkaas lagu dilay Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga dowladda Soomaaliya.