Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somaliya oo si kulul uga hadlay dilka iyo kufsiga Xamdi Maxamed Faarax.

Xildhibaan Cadnaan Cilmi Cismaan Boqore oo ah mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa si kulul uga hadlay kufsiga iyo dilka shalay magaalada Muqdisho loogu geystay gabar dhalinyaro eheyd.

Rag arxan laawayaal ah ayaa marxuumad Xamdi Maxamed Faarax waxa ay dil ugu geysteen Xaafada Maajo ee degmada Waaberi, dilka kahor waxaa loo geystay kufsi, sida ay eheladooda shaaciyeen.

Mr. Cadnaan waxa uu soo jeediyay in si deg deg ah loo soo qabto danbiilayaasha, markaasi kadibna ciqaabta ay mudan yihiin la mariyo.

“Waa in lahelaa lana ciqaabaa danbiilayaashii xamdi dilay” ayuu yiri Xildhibaanka oo qoraal ku soo daabacay bartiisa Facebook.

Xildhibaan Cadnaan Cilmi Cismaan Boqore, ayaa ugu danbeyn sheegay in si xal loogu helo falalkan oo ah mid soo laalaabtay, loo baahan yahay in xukuno adag oo dil ah ay la kulmaan kuwa caadeystay gabood faladan oo kale.

“Soomaali xeer jajab ayaa ugu wacan danbiyadaan soo laalaabanaayo waa in ladilaa” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Xildhibaanka.

Si kaataba, Booliska Soomaaliya, ayaa sheegay iney baaritaano ku hayaan kiiskan, iyagoo gacanta ku soo dhigay lix ruux oo Afar kamid ah ay rag yihiin, halka labada kale ay Dumar yihiin, iyagoo haatan su’aalo lagu weydiinayo Saldhigga Waaberi.