Xasan Cali Khayre oo la kulmay Jawaari, isagoo ka dalbaday cafis iyo wada shaqeyn.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta hoygiisa Muqdisho ku soo dhaweeyay gudoomiyihii hore ee baalamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Jawaari iyo Khayrr ayaa yeeshay wadahadal mudo saacada ah socday, iyadoo kulanka uu ahaa mid isugu jiray Qado iyo is xog wareysi ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Mr. Khayre ayaa Jawaari uga hoyday dagaal uu isaga horboodayay, kaasoo markii danbe keenay inuu xilka iska casilo gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale Jawaari kala hadlay arrimaha doorashooyinkooda, iyadoo lakala dhigtay balamo kale.

Si kastaba, Xasan Cali Kheyre oo labo cisho ka hor ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Muqdisho ka bilaabay kulamo siyaasadeed oo bilow u ah Ololihisa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya sanadka 2021.