Waare iyo Siciid Deni oo heshiis gaaray iyo walaaca cusub ee kulankooda.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa galabta hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ku qaabilay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Sida wararku sheegayaan, waxaa labada dhinac ay xalliyeen arrimo dhexdooda ka jiray sida khilaafkii ka dhashay Shirkii Dhuusamareeb 3.

Madaxweyne Waare ayaa khudbad uu ka jeediyay Baydhabo ku duray Madaxweyne Deni, tusaalena ugu soo qaatay sida Atlaskii reer Giriigga ee aaminsanaa inuu isagu dhabarka ku sido culeyska caalamka oo dhan.

Kulankan waxaa ilgaara ku heysay madaxtooyada Soomaaliya, maadaama madaxweyne Waare uu yahay dhanka Villa Somaliya, halka Deni uu yahay mucaaradka ugu weyn ee madaxweyne Farmaajo, marka laga hadlayo maamul goboleedyada.