Shabaab oo gurigiisa ku dhex dishay sarkaal kamid ah Macwiisleyda gobolka Hiiraan.

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan dil xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo ay gaysteen dabley hubaysan.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Hawlwadaag ee Magaalada Beledweyne, kadib markii dabley hubaysan ay weerar ku qaadeen guri la sheegay inuu deganaa Sarkaal ka tirsanaa Macawiisleyda ka dagaalanta deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Sarkaalka la toogtay ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Xuseen Dhurway, waxaana wararka qaarkood ay tilmaamayan in ragga weerarka soo qaaday iyo ilaalada Saraalka ay dhexmartay Israsaaseyn kooban.

Rasaasta labada dhinac isku rideen ayaa waxaa la sheegay inay ku dhaawacantay gabar ka mid aheyd dadkii deganaa Xaafadda weerarka uu ka dhacay.

Dableydii falka gaysatay ayaa waxa ay ka baxsadeen goobta, waxaana meesha gaaray markii dambe Ciidamada ammaanka Magaalada Beledweyne oo hawlgalo ay sameeyeen cidna aysan ku soo qaban.

Magaalada Beledweyne ayaa xilliyada qaar waxaa ka dhaca dilalka noocaan oo kale ah oo ay gaystaan xubnaha gacan saarka la leh Ururka Al Shabaab.