Sawirro: Nabad Sugida Jubaland oo Kismaayo ku qabatay qaraxyo ay Shabaab lahaayeen.

Ciidanka Nabad-sugidda iyo sirdoonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo bandhigay Bambooyin ay kooxda Al-Shabaab ku qarsadeen dhul bacaad ah oo katirsan xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo.

Howlgalkan ayey ciidanku qaadeen kadib markii dadka deegaanka ay kusoo wargeliyeen in walxahan qarxa oo ay argagixisadu maleegayeen in ay shacabka ku dhibaateeyaan in ay arkeen goob ay argagixisadu ku qarsadeen Bambooyinkaan halista ah.

Saraakiisha ciidanka nabad-sugidda Jubbaland ayaa shacabka uga mahadceliyey sida ay ula shaqeeyaan ciidanka, waxayna ku booriyeen in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan maadaama dhagarta cadowgu ay tahay mid joogto ah.

Ciidanka kala duwan ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kordhiyey howlgalada ay ku fashilinayaan dhagarta cadowga waxayna saacadihii lasoo dhaafay gacanta ku dhigeen dadka looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al-shabaab.