Madaxweyne Farmaajo oo deg deg u gaaray garoonka Muqdisho markii Mareykanka u yeertay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa xiligan kulan ay albaabada u xiran yihiin waxa uu la leeyahay mas’uuliyiin sar sare oo ka socda dowladda Mareykanka.

Sida wararka aynu ku heleyno, kulanka waxa uu ka socdaa xiligan qeybta Hangarka ee garoonka Adan Cadde, waxaana madaxweyne Farmaajo uu hore u sii kaxeystay Labadiisa la Taliye ee dhinacyada Amaanka iyo arrimaha doorashooyinka.

Xubno ka socda Wasaarada Difaaca Mareykanka iyo Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika, ayaa fadhiga dalbaday, iyadoo madaxweynaha su’aalo laga weydiinayo waxyaabaha hortaagan ee uu u iclaamin la’yahay xiliga ay rasmi ahaan u qabsoomeyso doorashooyinka madaxtooyada iyo mida baarlamaaniga.

Waxaa sidoo kale lagala hadlaayaa arrimao la xiriira Musuq maasuq iyo eex lagu sameeyay howlo la xiriira arrimaha dib u habeynta amaanka, iyadoo shalay arrimahan ay walaac xooggan ka muujisay safaarada Mareykanka ee Muqdisho.