Madaxweynaha Galmudug oo maanta hortagaya Aqalka Sare.

Warar ay heshay warbaahinta Xaldoon.Net ayaa sheegaya inuu socdo abaabulka kulan maanta ka dhacaya xarunta Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ah madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta la filayaa inuu hortago Xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo Senatorada lagu wargeliyay iney soo wada xaadiraan fadhigga maanta.

Mr. Qoor Qoor ayaa Xildhibaanada Aqalka Sare waxa uu warbixin ka sii doonaa arrimo ay kamid yihiin;

Halka la isla marsiinayo wadahadalka Muqdisho uga socda madaxda dowladda iyk maamul goboleedyada.

Waxyaabaha hortaagan soo.magacaabisa ra’iisul wasaaraha cusub.

Waxyaabaha u qabsoomay mudada uu xafiiska fadhiyo.

Halka ay mareyso dadaalada loogu jiro in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo iyo arrimo kale oo dhowr ah.

Si kastaba, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa hore u hortagah Xildhibaanada Aqalka Sare, iyagoo senatorada uga jawaabayay su’aalo ad adag oo ay ka weydiinayeen xaaladda guud ee uu dalka xiligan ku sugan yahay.