Lafta-Gareen iyo Jen. Odawaa oo arrimo xasaasi ah ka wada hadlay iyo heshiiska ay….

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo booqasho ugu yimid.

Madaxweynaha ayaa Warbixin ku saabsan Amniga iyo guulaha laga gaaray Ciribtirka Shabaab ka dhagaystay Taliyaha waxaana uu tilmaamay Generaal Odowaa Alshabaab qasaaro iyo jab xoogan loogu geystay howlgaladii ka socday qeybo kamid ah Gobolada Koonfur Galbeed.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in Ciidanka Xooga ay wadaan sidii guud ahaan Dalka looga sifeyn lahaa Alshabaab dhowaana ay bilaabi doonan Furida wadooyinka iyo Xureynta Goobaha ay kaga harsan yihiin Deeganada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Taliyaha uga mahadceliyay Booqashada ugu yimid waxaana uu bogaadiyey Howlgalada ay wadaan Ciidanka Xooga Dalka ee lagu si feynayo Argagixisada ee ka socda Guud ahaan Dalka waxaana uu Xusay Madaxweynaha in Dowlada uu Hogaamiyo ay ka go’an tahay sidii Cadowga loogu si feyn lahaa Goobaha ay kaga harsanyihiin Deeganada Koonfur Galbeed.