Ciidamada Koofur Galbeed oo sarkaal Shabaab ah ku dilay duleedka Baydhabo.

Ciidamada maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta toogasho ku dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo la sheegay inuu ahaa mid hubeysan.

Sida wararku sheegayaan, sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Macalin Cabdi (Ganeey) ayaa dilkiisa waxa uu ka dhacay meel dhanka galbeed kaga toosan magaalada Baydhabo oo qiyaastii 45km u jirta.

Ciidamada howlgalkan fuliyay waxa ay gacanta ku soo dhigeen 2 qori oo AK-47 ah iyo Bistoolad Makaarof ah, sidoo kale waxey gacanta ku sok dhugeen 8 qasnadood oo rasaas ah ku jiraan.

Sarkaalka Shabaabka ah ee la dilay ee Ganeey waxa uu qaabilsanaa howlgalinta dagaal yahanada Shabab ee degmooyinka Berdaale iyo Baydhabo.