Booliska Soomaaliya oo shaaciyay magaca iyo xogta mid kamid ah ragii dilay/kufsaday Xamdi.

Magaalada Cadaado oo xarun u ah baarlamaanka Galmudug waxaa lagu qabtay mid kamid ah ragga ku lugta lahaa falkii kufsiga iyo dilka ahaa ee todobaadkii hore Muqdisho loogu geystay marxuumad Xamdi Maxamed Faarax.

Sida wararku sheegayaan, ninkan oo falka kadib isaga cararay caasimadda waxaa gacanta ku dhigay ciidamada booliska Galmudug oo sameeyay howlgal, maadaama ay hayeen xogta danbiilaha.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa dambiilaha la qabtay magaciisa ku sheegtay Maxamed Ibraahim Cusmaan oo 24 sano jir ah.

“Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka ka dib” ayey tiri Jeneraalada.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka booliska Soomaaliya ayaa ugu danbeyn shacabka Cadaado ku amaantay kaalinta ay ku lahaayeen qabashada danbiilaha, waxeyna tilmaamtay in lagu qabtay baxsad ahaan.

“Waxaa u mahad celineenaa shacabka Galmudug oo ciidanka boliiska ku gacan siiyay soo qabashada eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa”.