Sawirro: Madaxweynaha Galmudug oo arrimo caafimaad u aaday dalka Turkiga.

Madaxweynaha maamulla Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, halkaasoo uu safar deg deg ahaa ugu baxay.

Qoor Qoor waxaa soo dhaweeyay safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga, Gudoomiyaha jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo qaar kamid ah dhalinyarada Soomaalida ah ee wadankaas u waxbarasho iyo shaqa joogto.

Warar ah heshay warbaahinta Xaldoon.Net ayaa sheegaya in madaxweynaha uu Istanbuul u aaday baaritaano dhinaca caafimaadka ah, iyadoo wadankaasi uu u degan yahay mid kamid ah qoysaska madaxweynaha.

Waa safafkii u horeeyay ee uu dalka uga boxo madaxweybaba tan iyo markii xilka madaxweyne loo doortay, iyadoo la filayo inuu maalmo nasiina ah uu ku soo qaato wadankaasi.