Muwaadin Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay dalka Koofur Afrika.

Kooxo hubeysan oo ah burcad Koofur Afrikaan, ayaa xalay dil u geysatay muwaadin Soomaaliyeed.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Faarax Weeyd waxa uu dilkiisa si gaar ah uga dhacay Magaalada Durban Ee Dalkaasi Koonfur Afrika, iyadoo toogashada kadib ay burcada goobta si nabad ah uga tagtay.

Muwaadinkan oo kamid ahaa ganacsatada dalkaasi ayaa sidoo kale waxaa dhac loo geystay hanti u tiilay goobtiisa shaqo, waxaana meydkiisa la wareegay ciidamada booliska oo sheegay iney ku sameynayaan baaritaano, walow aan waxnatiija ah laga fileyn.

Wadanka Koofur Afrika waxaa si joogta ah loogu beegsadaa muwaadiniinta Soomaalida, iyadoo aaney jirin wali wax war ah oo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo wali uu ka soo saaray dhacdooyinkan isdaba jooga ah ee beegsiga Soomaalida ah.