Shabaab iyo Amisom oo xalay madaafiic isku weydaarsaday magaalada Balcad.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar madaafiic ahaa oo xalay lagu qaaday Saldhig ay ciidamada Amisom ku leeyihiin degmada Balcad ee gobolka Sh.Dhexe.

Sida wararku sheegayaan, xerada la weerar waa agagaarka Warshadii hore ee Dharka ee ku taalla Xaafada Xaawa Taako ee degmada Balcad, waxaana degan Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalkla Amisom.

Qaar kamid ah dadka shacabka ah ee degan Balcad, ayaa ku soo waramaya ineysan xalay ka seexan cabsida ay ka qaadeen madaafiicda magaalada ku soo hoobaneysay, iyadoo madaafiicda qaar ay dhaafayeen xerada lala rabay.

Ciidamada Amisom ayaa dhankooda madaafiic ku riday dhinaca beero ku yaala duleedka magaalada, halkaasoo ay rumeysnaayeen iney eheyd goobta ay hubka ku rakibteen Shabaabka duulaanka soo qaaday.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka xalay ee Balcad, iyadoo aan wali w ax war ah ka soo bixin maamulka degmaa iyo Saraakiisha ciidamada degmada Balcad ee gobolka Sh.Dhexe.