(Faalo) Mar kale iyo Doorasho Aan Toos Aheyn!

Afeef

Ujeeddada qoraalkeygan kooban maaha in aan uga hadlo arrimo maangad ah oo aan suuragali Karin xitaa tobbanka sanno ee soo socda. Ma rabo in aan durbaan u garaaco koox ka mid ah saamileyda siyaasaddeed ee dalka (Xukuumadda iyo Madaxtooyada, Xisbiyada Mucaaridka ah, iyo Ismaamul Gobolleedyada), ma na rabo in aan koox gooni ah ku yeeriyo buun oo aan si eexi ku jirto ugu hiiliyo koox. Marka la ga hadlayo arrin miisaankeedu culus yahay sida middan ku saabsan doorashada 2021ka waxaa loo baahan yahay in loo wada hadlo si toos ah oo aan leex-leexad iyo munaafaqad midna laheyn, waayo waa arrin keeni karta in eey jar ka dhacdo dowladnimadeenan dhoodhoobka ah.

Hadddaba waxba yaan ka meereysan ujeedka qoraalkeyga ee bal aan abbaaro hadafkeyga oo aan idinla wagaago fikirkeyga.

Ma dhici kartaa doorasho xor ah, xalaal ah, toos ah, oo qof iyo cod ah?

Sida aan wada ogsoonnahay doorashadu waxey ka mid tahay xuquuqda aasaasiga ah ee uu muwaadin walba ee dal u nasbiyad sheegta uu leeyahay haddii uusan asiga si toos ah ama dadban isaga qaadin xaqaas, sidoo kale qabashada doorasho xaq ah waa waajib lagu leeyahay dowladda haddii eeysan dafireen. Haddaba waxaa habboon in la dul istaago nuuca doorshada iyo dalalka sida eey ugu kala fududahay. Muwaadinka Mareynkan ah (The US Citizen) ee xuquuqdiisu eey kaamilka u tahay isla markaasna heysta wax walbuu dalkiisa xaqa ugu lahaa  sida uu doorasho u arko marar badan qasab maaha in uu isla sidaas u arko wiilka Soomaaliyeed ee xuquuqaha kale ee nolosha eysan weli kaamil u noqon. Macquul maaha sida eey gabadha ku nool tuulada Greenwich (Greenwich waa tuulo u dhow London) u heli karto shaqsi ku matala siyaasadda dalkeeda in aan la dhererino gabadha ku nool degmada Mahadaay ee aan weliged arag qof cod ka soo doonta oo degmadeeda olole ka gala. Waxan loogu yeero Universal Sufrage Elections in la gaaro waxey u baahan tahay diyaagarow siyaasaddeed, mid dhaqaale, iyo rabitaan ka yimaada dhamaan saamileyda siyaasadda dalka.

Si loo gaaro doorasho qof iyo cod waxaa ka horeeya wax yaalo badan oo eey tahay in wax la ga qabto sida nabad ku soo dabaalidda dalka oo idil, is-faham middeysan oo eey la yimaadaan dhamaan kooxaha saamiga ku leh siyaasadda dalka, ka hadalka maqaamka caasimadda (Muqdisho) iyo arrinta Somaliland oo dhan u dhacda. Si yoolalkaas kala duwan loo hiigsadana waxey aheyd laamaha fulinta iyo sharci-dejinta in eey dadaal dheeri ah la yimaadaan oo eey masuuliyad iska saaraan sidi ahdaaftaas lagu gaari lahaa. Ma rabo waxyaalo raqiis ah in aan ka hadlo sida in madaxweynuhu eey si toos ah shacabku dooranayaan iyo in kale waayo dastuurka qodobkiisa 89aad ayaa si cad u qeexaya in madaxweynaha lagu doorannayo kullan labada aqal eey u dhan yihiin. Ma taagno muran ah sida madaxweynaha loo doorannayo oo waa maangaabnimo in suaal uu dastuurku si toos ah uga jawaabayo aan isku mashquulino, waxuu se muranku ka jiraa sida loo doorannayo ciddi dooran laheyd madaxweynaha (Xildhibaannada golaha shacabka iyo aqalka sare).

Sida aan la wada socono laga soo bilaabi dowladdi uu madaxweynaha ka ahaa mudane Cabdiqaasim ilaa laga soo gaaro middan uu hoggaaminayo mudane Formaajo doorashooyinka dalka ama dibaddiisa loogu qabbanayey ummadda Soomaaliyeed waxey ahaayen doorashooyin aan toos aheyn oo xildhibaannada baarlamaanka waxaa soo xullayey odayaal ama waxaa dooranayey ergo aan rasmi aheyn oo labaantankaas sano dalku waxuu ku socday in laga qabto doorasho la mood afarti sanaba.

Labaatan sano ka dib waxaa muuqda in la gabay gaarista hadafka doorasho toos ah oo muddo ku dhow saddex sanno la isku mashquuliyey wax ey aheyd in aan waqti badan lagu bixin. Waxaa meesha laga saaray wada shaqeynti ismaamul gobolleedyada iyo dowladda dhexe, waxaa la curyaamiyey awooddi golaha shacabka si loo gaaro dano shaqsi ah loona marin habaabiyo doorashada si loo xeeladeysto muddo kororsi ama loo qabto doorasho murran badani ka dhallan doono (waaba haddii laguu dhiirado damacaas waalida ah).

Haddaba yaa gabay masuuliyadoodi, ma dowladda (Fulinta iyo baarlamaanka), ma beesha caalamka, ma xisbiyada siyaasadda, mise dhamaan saamileyda siyaasadda dalka?

Haba la kala badsado masuuliyada fashilka waxaan qabaa in dhamaan saamileyda siyaasadda dalka eey ku wada fashilmeen gaarista doorasho toos ah oo qof iyo cod ah. Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka maaha mid dhexdhexaad u ah asxaabta mucaaridka ah iyo xukuumadda oo guddigu waxuu ku dhex shaqeeyaa madaxtooyada, islaanta guddoomiyaha ka ah guddigana marki eey rabto waxey la safartaa madaxweynaha. Dhanka kale beesha caalamku si bey uga caga-jiidayaan bixinta kharashki lagu qaban lahaa doorashada oo ilaa iyo hadda fund ku tala-gal ah oo la hayo ma jiro. Sidoo kale asxaabta mucaaridka ah waxey kor u dhaafayaan lixdan xisbi oo waxaad arkeysaa safiir xisbi leh iyo la-taliye dowladda mushahar ka qaata isla markaasna leh xisbi. Sida eey wax ku socdaan haddaan laga qabanna waxaa la arki doonaa in laf-hoosaad walba ee qabaa’ilka eey mid walba sameysato xisbi u gaar ah.

Hadal iyo dhamaantii wey muuqataa in dalkan sanadka 2021ka eeysan ka qabsooni Karin doorasho toos ah iska daa mid qof iyo cod ahe, waayo waqti badan ma harin, rabitaankuna waa meeshiisii, shaqsiyaadkuna waa kuwii. Marka aragti ahaan waxaan qabaa dooddu in eysan taagneyn ‘doorasho toos ah oo qof iyo cod ah ayaa dhaceysa iyo ma dhaceyso’, bal se doodda aan u weecino dhinaca ah ‘ doorasho qof iyo cod ah in eysan dhaceyn waa I noo muuqataaye, yaa leh masuuliyadda fashilka’.

“Intuu bahalaha dugsado

Intuu dubur howd ka xulo

Ayuu qofku doonayaa

Dugaaggu inuusan cunin.”

Hadraawi.

 

FG: Aragtida Qoraalkan Waxa ay Ku Gaar tahay Qoraha Faaladan

 

Waxaa qoray: Cali Cabdiraxmaan Maxamuud (Cali Ugaas)

Email.shafti1.ry@gmail.com