Lix ruux oo loo soo qabtay dil ka dhacay degmada Afgooye

Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa xaqiijiyay in dad loo soo qab qabtay dil Talaadadii ka dhacay degmadaasi, oo 30km u jirta Magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa waxaa loo gaystay mid ka mid ah wadayaasha mooto bajaajta ee ka hawlgala Degmada Afgooye, iyadoo raggii dilay ay baxsadeen.

Ibraahim Cumar Qaasim (Carab), Gudoomiyaha Degmada Afgooye ayaa sheegay in dilkaasi oo ahaa mid qorsheysan ay gaysteen rag bastoolado ku hubeysnaa.

Gudoomiyaha oo u waramay Warbaahinta ayaa tilmaamay dilka ka dib in ay gacanta sharciga ka baxsadeen raggii dilka gaystay, oo ka tirsan buu yiri kooxaha argagixisada

Waxa uu intaa ku daray hawlgal ka daba tag ahaa oo ay sameeyeen laamaha ammaanka in lagu soo qab qabtay lix qof, oo dilkaasi lala xiriirinayo, sida uu yiri.

Ibraahim Carab ayaa mintidiinta Ururka Al Shabaab ku eedeeyay in har iyo habeenba ay u taagan yihiin daadinta dhiigga umadda Soomaaliyeed, laamaha amnigana ay diyaar u yihiin inay soo qabtaan kuwooda dilalka gaysanaya.

8-dii bishan ayay ahayd markii Degmada Afgooye lagu dilay Allaha u naxariistee Cabdiweli Colaad Qanyare (Gaatamow), Goolhayihii Kooxda Banaadir iyo Xulka Qaranka.

Gaatamow xilligan ku magacawnaa Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Degmada Afgooye, waxaana masuuliyadda dilkiisa sheegatay Al Shabaab.