Jeneraal Cali Gaab oo ka badbaaday isku day lagu damacsanaa in lagu dilo.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo aroortii hore ee saaka si weyn looga maqlay bartamaha magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan, qaraxa oo ahaa miino nooca soo boodada ah waxaa lala damacsanaa in lagu khaarajiyo Taliyaha hoggaanka Caafimaadka ciidamada Booliska Somaliya Jeneraal Cali Xersi Barre Cali Gaab, walow uu ka badbaaday weerarkaas.

Si gaar ah qaraxa waxa uu uga dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir & dhismihii hore ee Wakaalada Biyaha, iyadoo gaariga qaraxa uu qabsadau xili aanu saarneyn Taliyaha, taliyaha ayaa daqiiqado kahor isaga dagay gaariga, waxaana saarnaa kaliya askar, kuwaasoo doonay sarkaal kale.

Inta la ogyahay waxaa qaraxan oo qeybo badanoo Muqdisho ah laga maqlay ku geeriyooday hal askari oo lagu magacaabi jiray Xamse Xasan Maxamed, waxaana ku dhaawacmay saddex askari oo kale.

Maalmahan dambe Muqdisho waxaa ku soo badanaya Qaraxyada Miinada ah ee lala eeganaayo gaadiidka ay wataan Ciidamada dowladda Federalka Somaliya ee wadooyinka Muqdisho maraayo.