Xaaladda Caafimaad ee laba kamid ah bukaanadii la karantiilay oo aad u liidata.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS, Drs. Fowsiya Abiikar Nuur waxay xalay soo saartay War-saxaafadeed ay kaga warbixisay xaalladda qaar ka mid ah Bukaanadda la karantiilay ee laga helay COVID 19.

Waxay xustay inay xaalladooda soo hagaagayso, welina lagu hayo Karantiil.

Wasiirada waxay kaloo xusay in 2 ka mid ah Bukaanada lagu karantiilay Isbitaalka Martiini ay xaalladooda aad u liidato, una baahan yihiin Daryeel Dheeraad ah.

Halkan hoose ka aqrisi war-saxaafadeedka oo dhameystiran: