Xaaf oo si weyn loogu soo dhaweeyay duleedka Dhuusa-Mareeb.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, Xildhibaano, Siyaasyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa goor dhow duleedka Dhuusamareeb ku soo dhoweeyau Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xaaf ayaa safar dhulka ah ku tagay magaalada Dhuusamareeb, isagoo xalay ku hoyday deegaanka Gelinsoor. qaban qaabo lagu soo dhoweynayo ayaa ka saaka ka socotay Dhuusamareeb.

Sidoo kale wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo kuxigeenkiisa Cali Ciid, Xildhibaano, Senator iyo Siyaasiyiin ayaa iyana saaka ka ambabaxay Dhuusamareeb, si wafdiga Madaxweyne Xaaf ugu soo dhoweeyaan inta u dhaxeysa Cadaado iyo Godinlabe.

Madaxweyne Xaaf ayaa horay u qaadacay doorashadii muranka badan dhalisay ee bishii February ka dhacday Dhuusamareeb ee Dowladda Federaalka garwadeenka ka aheyd, sidoo kale doorashadaas waxaa qaadacay Musharaxiintii ka horjeeday Musharaxii dowladdu wadatay, inkastoo markii dambe qaar ka mid ah Musharaxiintaas ay taageereen doorashadii Madaxweyne Qoorqoor.

Dadaalo muddooyinkii u dambeeyay socday oo la doonayay in lagu soo afjaro khilaafkii siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii Galmudug ayaa Madaxweyne Qoorqoor waday, isagoo heshiis la galay dhammaan dhinacyadii doorashadiisa diidanaa, gaar ahaan xubnihii mucaaradka ee ku jiray Baarlamaanka labada gole, waxaa kaloo iyana jiray dadaalo loogu jiray sidii Xaaf u aqbali lahaa natiijada doorashadii Dhuusamareeb, isla markaana ugu dambeyn u tagi lahaa Dhuusamareeb, waxaana dadaaladaas lagu soo xero geliyay Xaaf qeyb ku lahaa Xildhibaano, Senataro, Siyaasiyiin oo ay ka dhex muuqdeen xubnaha mucaaradka, kuwaasoo maalmo ka hor socdaal ku tagay Gaalkacyo.