Sawirro: Imaaraatka Carabta oo qalab Caafimaad oo looga hortago Carona geeyay Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Agab Caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus, kaasi oo Imaaraadku ugu deeqay Puntland.

“Waxaan uga mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka gargaarka bani’aadantinimo ee ay nasoo gaarsiisay, oo maanta Boosaaso ka degay, waa agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus.

Xilligan waxaa dagaal adduunka oo dhan kula jiraa halista Covid-19 oo si xowli ah ku fidaya, waana loo baahanyahay in la iska kaashado Ka hortagga Cudurkaasi, aad baan ugu mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka oo agabkan nasoo gaarsiisay xilli aad loogu baahanyahay“