Sarkaal ka tirsan maamulka Puntland oo xalay lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho fiidkii hore ee xalay ka dhacday Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay ka arrimiso maamulka Puntlamd.

Sida wararku sheegayaan, Saddex dhalinyaro ah oo hubeysa ayaa qeybaha sare ee jirka ka toogatay mid kamid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha Galkacyo. Marxuumka waxaa lagu magacaabi jiray Cusmaan Xuseyn Xaaji.

Gacan ku dhiiglayaasha ayaa dilka kadib goobta isaga cararay, waxaana sidii caadiga eheyd halkaasi tagay Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo sameeyay howlgalo aan wax cid ah lagu soo qaban.

Meydka marxuumka oo xalay ku baryay Isbitaalka weyn ee Gaalkacyo, ayaa la filayaa in maanta aas loogu sameeyo Waqoooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyadoo aaska ay ka qeyb gali doonaan mas’uuliyiin kala duwan.