Qofkii 2aad oo Muqdisho ugu geeriyooday cudurka Carona Virus.

Wasiiru dowlihii Wasaarada Cadaalada maamulka Hirshabelle Xildhibaan Khaliif Muumin ayaa goor dhow ku geeriyooday magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan, Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa 9 ruux oo maalin ka hor Wasaaradda Caafimaadka ay xaqiijisay in laga helay cudurka Coronavirus, kaasoo ugu danbeyn u geeriyooday.

Waxa uu noqonayaa qofkii 2aad ee u geeriyooda xanuunkan Carona Virus ee magaalada Muqdisho, waana mas’uulkii u horeeyay ee dalka gudihiisa cudurkan ugu dhinta.

Marxuumka ayaa todobaadkii hore loola soo cararay magaalada Muqdisho kadib markii xaaladiisa ay darnaatay, iyadoo la geeyay xarumaha Caafimaad ee dowladda dadka cudurkan qaba ku Karantiisho.

Sidoo kale waxaa jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Hirshabelle oo marxuumka ay macaamiltameen, kuwaasoo isaga shaki qaba cudurkan, iyagoo si gooniya isugu karantiilay magaalada Jowhar