Qaad loo soo waday Soomaaliya oo lagu gubay dalka Kenya.

Saraakiil ka tirsan Ciiddanka Badda ee dalka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 2 Dooni oo waday Shixnad Qaad oo lagu qiimeeyey 25 million ee Shillinka Kenya.

Sida uu qoray Wargeyska The Star, Ciiddan ilaalo ku marayey Badweynta Hindiya ayaa waxay gacanta ku dhigeen Labada Dooni ee sida dhuumaalaysiga ah Qaadka ku soo gelin lahaa gudaha dalka Somalia.

Labada Dooni ayaa la sheegay inay ka soo shiraacdeen Xeebta magaalladda Laamu, waxaana Ciiddanka ku qabteen Xeebta  Deegaanka Barakuda.

Badmaaxiinta la socotay Doonyaha ayaa la sheegay in la xiray, iyadoo ay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ay Jawaanadda Qaadka ku gubeen Xeebta Raas Kitau oo ka tirsan Jesiiradda Manda oo ka tirsan Laamu.

Taliyaha Boliska Gobalka Laamu, Irungu Majaariya waxa uu u mahad celiyey Ciiddanka Badda ee soo qabta shixnadaha Qaadka ee loo gudbin lahaa Somalia.

“Koronofayris ma aha ciyaar-ciyaar, waana fahmi la’ahay waxa ay dadka u samayn la’ yihiin, iyadoo aan u sheegnay inay dhamaanteena ku nagana karno Nabad iyo Nolol” ayuu sii raaciyey Taliyahaasi.

Bishan April 3-dii waxa uu soo saaray Amar uu ku joojiyey in la iibiyo Qaadka ay Kenyanka u yaqaanaan Miraa iyo Muguka, si looga hortago Faafista COVID 19.