Laba askari oo Muqdisho isugu toogatay “Maxaa Taliyaha Booliska Lahjad Maayga ugula hadashay”.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gelinkii danbe ee maanta ay isku toogteen laba askari oo ka tirsan Saldhigga booliska degmada Waaberi.

Labadan askari ayaa ku sugnaa isgoyska Shaqaalaha oo ay Ciidamada ku leeyihiin Kontrol ay gawaarida ku baaraan waxaana soo dhex galay muran gacan kahadal isu bedelay.

Murankan ayaa yimid kadib markii kontrolka uu soo istaagay gaari uu watay Taliyaha booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar, waxaana hubin ahaan ugu tagay mid kamid ah askartii barta baaritaan ku sugneyd, kaasoo lahjada Maayga kula hadlay Taliyaha.

Askari kale oo Taliyaha gatlranayay ayaa askarigii hore ku canaantay sababta uu Taliyaha lahjada Maayga kula hadlay, maadaama uusan fahmeynin oo uu yahay nin Dhulbahante ah, waxaana hadalkiisa daba socday rasaas uu qeybaha sare kaga dhuftay askarigii hore.

Askariga dhaawacmay ayaa isaguna rasaas ku riday askarigii dhaawacay, isagoo inta aanu dhulka ku dhicin isagana dhaawac daran u geystay askarigii rasaasta kaga hormaray.

Dhaawacyada labadan askari waxaa la isla geeyay Isbitaalka Digfeer oo ku dhow isgoyska Shaqaalaha, halkaasoo dhaawacooda lagula tacaalayay saacadihii la soo shaafay.

Saraakiil Ciidan ayaa Isbitaalka ugu tagtay askartan dhaawacyada culus isu geysatay, waxaana haatan socoto qorshe lagu doonayo in dhaawacyadooda loogu wareejiyo Isbitaalka weyn ee Madiino, maadaama xaaladooda ay xiligan tahay mid daran.