Afar Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Sh.Hoose.

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaaradeed oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacday degaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha hoose.

Duqeyntan oo ay geysteen diyaaradaha Mareykanka ee ka soo duula garoonka Bali-Doogle ayaa beegsaday xubno Shabaab ah, iyadoo weerarkan ay ku naf waayeen 4 dagaalame oo ka tirsan Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacida.

“Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibadooda Mareykanka ayaa ka fuliyay aagga degaanka Janaale ee gobolka shabellada Hoose duqeyn diyaaradeed oo bartilmaameedkeedu ahaa kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab waxaana duqeyntaas lagu khaarijiyay afar(4)ka tirsan maleyshiyada Argagixisada” ayaa lagu yiri war laga sii daayay TV-ga dowladd.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa isaguna lagu sheegay in duqeymaha uu Mareykanku ka geystay Soomaaliya sanad Kaliya dhimashadu gaareyo 27 xubnood oo Al shabaab ah.

Mareykanka ayaa sare u qaaday weerarrada ka dhanka ah alshabaab kaddib weerarkii Mandabay ee lagu dilay saddexda qof ee Mareykanka ahayd kaas oo dhacay 5tii January 2020.