Villa Somaliya oo war ka soo saartay kulanka Farmaajo iyo Muuse Biixi ee Addis-Ababa.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed, ayaa wakaaladda wararka ee AP u xaqiijiyay in magaalada Addis Ababa ay ku kulmeen shalay madaxweynayaasha DFS iyo Somaliland: Maxamed Farmaajo iyo Muuse Biixi.

Kulanka ayuu sheegay in uu ahaa mid hordhac ah oo ay albaabadu u xidhnaayeen, kaasi oo aan laga soo saarin wax war-murtiyeed ah.

Wuxuu sheegay in labada dhinac uu isaga dab qaadayay Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa la sheegay inuu ahaa mid labadooda keliya ay wada qaateen oo aysan la joogin wasiirrada iyo xubnaha kale ee wafdigooda.

Waa markii ugu horraysay ee ay kulmaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi, iyadoo dhowr jeer ay wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay dib u dhaceen.