Soomaaliya, Talyaaniga iyo Turkiga oo ka wadahadlay isbadal ku samaynta Golaha ammaanka ee Q.M

Maanta oo Isniin ah , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, waxa uu wadahadal wax ku ool ah oo ku saabsan xiriirka diblomaasiyadeed iyo horumarka geedi-socodka dib-u-habaynta Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey kula yeeshay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Italy, Alberto Vecchi, iyo Safiir kuxigeenka Safaaradda Jamhuuriyadda Turkey , Ozan PEKÄ°N.

Kulanka wadajirka ee seddex geesoodka ah ayaa diiradda lagu saaray arrinta socota ee dib u habeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo meel xasaasi ah mareysa.

Waxey sidoo kale ka arinsadeen xoojinta iskaashiga dhinacyada badan leh si si wanaagsan looga falceliyo caqabadaha jira iyo kuwa hadda soo ifbaxaya ee dunida.